Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Soo gaba-gabeysay sahan caafimaad laga Waday Gobolka jubada hoose

1370

Kulankan oo ahaa gaba-gabada wajigii ugu horeeyey baarnaamijka sahanka caafimaadka ayaa lagu qabtay magaalada kismaayo, waxaana ka soo qayb galay  xubno ka socday wasaaradda Caafimaadka Jubbaland iyo kooxihii barnaamijka sahanka ka waday gobalka Jubbada hoose gaar ahaana magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran.

Kooxdan oo loo sameeyey casho sharafta sagoontin ah ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku howlana barnaamijka sahanka caafimaadka, kaas oo ka socda dalka oo dhan  gaar ahaana magaalooyinka ay dowladu maamusho, waxaana muhiimadiisu  ay tahay in la helo tirada saxda ah ee kunool magaalo walba oo kamid ah dalka Soomaaliya, si bulshada Soomaaliyeed ay u hesho adeeg caafimaad oo joogto ah.

Magaalooyinka laga sameeyay barnaamijka sahanka caafimaadka ayaa waxaa kamid ah Kismaayo, Waxaa sido kale uu barnaamijku wali ka socda degmooyinka Luuq iyo Baardheere.

Cabdirashiid Yuusuf Ibraahim oo ah agaasimaha waaxda caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sharraxaad ka bixiyay halka uu maraayo barnaamijka sahanka caafimaadka