Shirkii golaha wasiiradda Jubbaland oo Maanta loga hadlay sidii Gurmadka deg deg Ah loo gaarsiin lahaa Dadka danyarta

1120

Waxaa maanta qabsoomay shirka golaha wasiiradda Jubbaland ee Khamiislaha, waxaana looga hadlay qodobo ay kamid yihiin nabadgelyada, siyaasadda iyo abaaraha ka jira deegaanadacJubbaland.

Kulanka waxaa shir guddoominaayey Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne ku-xigeenka labaad Cabdiqadir Xaaji Maxamuud, qaar kamid ah wasiirada shirka kasoo qayb galay ayaa la dhegaystay warbixinno.

Wasaaradaha ayaa shirka kusoo bandhigay warbixinno la xiriira abaaraha iyo biyo yari ka jirta deegaano badan oo katirsan Jubbaland.

Wasiiradii shirka goobjooga ka ahaa ayaa isla qaatay in sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyo gurmadyo samafal ah si loo caawiyo dadka dhibaateysan ee ay soo wajaheen duruufaha la socda abaaraha.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen oo markii shirku soo dhamaaday la hadlay saxaafadda, ayaa sharraxaad ka bixiyey waxyaabaha kasoo baxay shirka golaha wasiirada Jubbaland.

Wasiirka ayaa sheegay in ay isla qaateen in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo dadka ay abaarahu saameeyeen ee ku nool deegaana kala duwan ee Jubbalan