Dowladda Soomaaliya oo ka Hadshay Go.aankii ka soo baxay Shirkii Midowga Afrika

1162

Dowladda Federaalak Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika,kaasi oo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,dadaalada loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka,taasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka Soomaaliya,maadaama ay hortaagantahay arrintaasi taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka.

Dowladda Soomaaliya waxaa ku howlantahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,si loogu guuleysto qorshaah deyn cafiska ee Soomaaliya,si loo helo horumar waara,go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika

Qoraal ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada soomaaliya ay xushmeeneyso  in midowga Africa ay muhiimad siinayaan dowrka soomaaliya ee midowga iyo wax wada qabsiga iyo taageerida  ay soomaaliya  u muujiyeen  ka xubin ahaan