Mid ka mid maleeshiyada Alshabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland

1396

Xuseen  abdulahi maxamed  waa 24 sano jir  waxa uu maleshiyaadka Alshaab ku biiray  2013 isgoo ku dhashay  degaanka mareerey ee gobolka jubada hoose  ka dib marka uu ku biiray maleeshiyada waxaa loo wareejiyay deegaanada maamulka galmudug gaar ahaan deegaanka xarardhere

Ninkaan ayaa ka soo qeeb qaatay dagaalo badan  mudadii uu ka tirsanaa  ururka Alshabaab sidoo kale waxa xasuuqay shacbaka ku nool qeebo ka mid ah deegaanka xarardheere

Xuseen abdulahi maxamed ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ee  ku sugan degmada afmadow ee gobolka jubada hoose

Taliyaha amniga  degmada afmadow  aarsheekh cali oo la hadlayay Radio kismaayo  codka Jubbaland ayaa sheegay  in ninkaan oo uu la soo xiriiray laamaha amniga degmada afmadow sidaasna ay ugu suurta gashay in uu isku soo dhiibo degmada afmadow