Wasiirkii hore ee wasarada maaliyada soomaaliya oo kismaayo ku soo bandhigay buug

1158

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyada Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa magaaalada Kismaayo ku soo bandhigay buug uu qoray oo loogu magic daray Cibaaro, kaas oo ah buug suuganeed lagu qoray gabayo tirro badan, madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud luga-dheere wasiirka wasaaradda Xiriirka caalamiga Jubbaland Adam Aw Xirsi, wasiirka waxbarashadda Jubbaland Macallin Maxamed Ibraahim, wasiiradda arrimaha Haweenka Jubbaland Khamar  Deeq Xaaji Khaliif iyo madax kale ayaa ka soo qeyb galay munaasbada.

Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in buugiisa cusub ee Cibaaro ay ku jirto xigmad badan isagoo sheegay in uu ku qoray gabayo badan oo xaaladda siyaasadda Soomaaliya iyo mida dhaqanka uu ka tiriyay.

Munaasabada markii ay soo idlaadatay ayaa dadkii ka qeyb galay bandhiga buugga waxaa ay heleen buugaag uu qoraaga uu saxiixay.