Bankiga Amal oo Tababar ku saabsan Ganacsiga u Furtay 60 Dumar ah

978

Ku Dhowaad 60 Haween ah oo Ganacsiyo Yar Yar Ku Leh Magalada Kismaayo ayaa Maanta Bankiga Amal Xarunteeda Kismayo ayaa u Qabatay Tababar Lagu Baranaayo Kobcinta Ganacsiga Yar Yar  iyo Sida Looga Miro dhaliyo.

Bankiga Amal oo Mudoyinkii Dambe Waday Barnaamij Ganacsatada Yar Yar Lagu Siinayo lacago Amaah ah oo aan faa’iido lasocon (Qardu Xassan) Waxaana,si Weyn oga Faa iidestay Boqolal Qof oo Ku Nool Degaanada Jubbaland Gaar ahaan Bulshada Ku Nool Kismayo

Tababarkan 60 ka Haweyn Lagu Barayo Kobcinta iyo ka Miro dhalinta Ganacsiga ayaa Socon Doono Mudo 3 Maalmood iyadoona Bankiga Amal Xarunteeda Kismayo  ay Gudon siin Doonto Lacag Loogu Talo Galay inay Ku Kobciyaan Ganacsigoda

Qaar ka Mid ah Dadkii Tababarka Ka Fa’iideysanaayo Horayna Amal Bankiga  Lacag ooga Qaatay ayaa u Mahadceliyay Bankiga iyagoona Xusay inay Garab ay u Bahnaayeen ay siisay

Madaxa Horumarinta Ganacsiga Ee Bankiga Amal Xarunteeda Kismayo Maxamed Daahir C/Laahi Ayaa Jubbaland oo warbaahinta jubbaland u Sharaxay Tababarkan iyo Howlaha Bankiga Amal ay Qabato Bulshada ayaa shegay in tababarkaan uu muhiim u yahay dadka ka shaqeysta ganacsatada yar yar  anaguna waxaa nagu kaliftay in aan qabano tababarkaan ayaa waxaan aragnay dad danyar ah oo samaystay ganacsi yar una baahna in la fahansiiyo waxa uu yahay ganacsiga

Madaxa Amal Bankiga Xarunteeda Kismayo C/Laahi C/Salaan oo Goobta ka Hadlay ayaa Shegay inay Amal Bankiga ay Xili Walbo u Taagantahay Garabsiinta Bulshada Soomaliyed