Xaflad sagootinta oo loo sameyay xildhibaanada golaha deegaanka ismaamulka wajeer ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay magalada kismayo ,waxaana kasoo qeyb galay gudoomiyaha rugta ganacsiga dowlad goboleedka jubbaland ahna xog hayaha guud ee rugta ganacsiga Soomaaliya Shaafi Rabi Kaahin xilidhibaanada golaha deegaanka wajeer, odayaasha dhaqanka jubbaland iyo marti sharaf kale
Gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka jubbada hoose Axmed Farax Taqal ayaa xildhibaanada golaha deegaanka kubooriyey in lahelo midnimo iyo wadashqeyn kadhaxeysa dhalinyarada Ismamulka wajeer iyo dhalinyarada dowlad goboleedka jubbaland
Ugaas xassan xiiray oo kamid ah odayaal dhaqameedka jubbaland ayaa waxaa uu xildhaanada ismamulka wajeer kula dar daarmay in ay ka shaqeeyaan midnimada ummadda Soomaliyeed
Gudoomiyaha rugta ganacsiga dowlad goboleedka jubbaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeynta kadhaxeysa ismaamulka wajer ee dalka Kenya iyo jubbaland.
Shuceyb Barre Axmed oo kamid ah xildhibaanada golaha ismaamulka wajeer ee dalka Kenya oo lahadlay Jubbalandtv ayaa ugu horeyn umahad celiyey shacabka Jubbaland wuxuna shegay in dowlad goboleedka jubbaland ay tahay mid kashaqeya ilaaalinta nabad galyada iyo mid midnimada ummadda Soomaaliyeed.