Xildhibaano ka socday ismaamulka Wajeer ee dalka Kenya oo Kismaayo soo gaaray

1052

Xildhibaanadaan oo ka midda Xildhibaanadda Golaha Deegaanka  ismaamulka wajeer ee dalka kenya Ayaa Soo gaadhay magaalada Kismaayo Waxaana Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Arimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish iyo Masuuliyiin kale oo ka Socday dowlad Goboleeedka Jubbaland iyo Odayaasha dhaqanka.

soo dhaweeyn kadib waxaa loo gudbiyay xildhibaanadaan hoolka nasashada ee garoonka diyaradaha kismaayo.

wasiirka arrimaha gudaha jubbaland ayaa ka warbixiyay ujeedada kismaayo ay  u yimaadeen Xildhibaanadan maanta Soo gaadhay magaalada Kismaayo.

shuceyb barre ahmed oo ka midda xildhibaanada maanta yimid kismaayo ayaa ka mahdceliyay sida loogu soo dhaweeeyay kismaayo waxa uuna intaasi kudaray in ay tahay ujeedka ay uyimaadeen kismaaayo,sidii jubbaland iyo ismaamulka wajeer ay isaga kaashan lahayeen dhinaca waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo amniga.

wafdigaan ayaa ugu dambeeyn loogu gudbiyay guriga martidda jubbaland halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweeynaha Dowlad Goboleedka jubbaland.