Madax Ka Socotay Wasaradaha Jubaland Oo Kormeer Shaqo Ku Tageen Xarumo Cusub Oo Loo Dhisaayo Wasaaradahaasi

1445

Qaar kamid ah masuuliyiinta wasaaradaha qorsheeynta, beeraha, kalluumeeysiga iyo wasiirka madaxtooyada Jubbaland ayaa maanta kormeer ay ugu kuur galayaan dhismaha xarumo loo dhisayo wasaaradaha Jubbaland ku sameeyay kuwaasoo heer gabo gabo ah marayo dhismayaashooda

Xarumahaan oo loo dhisay hab casri ah ayaa loogu tala galay in ay ku shaqeyaan wasaaradaha dowlada.

Wasiirka qorsheeyanta iyo xiriirka caalamiga jubbaland Aadan Aw Xirsi oo warbaahinta lahadalay ayaa sheegay in amniga Jubbaland ka jira uu suurto galiyay dib u dhiska kaabayaasha dhaqalaha xarumaha dowliga ah iyo horumarada kala duwan.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Axmed Xasan Sitiin ayaa sheegay in dhawaan xariga la jari doono xarumaahan ay ku shaqeeyan donaan wasaaradaha dhismaheedana ay mareeyso meel gabo gabo ah

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa guud ahaan degmooyinka ka hirgalisay xarumo cusub iyo kuwa kale oo dib habeyn lagu sameyay si loo daadajiyo maamulka loona horumariyo adeegyada bulshada.