Gudiga Dabagalka Wasaaradaha Jubaland Oo Maanta Kormeer Shaqo Ku Tagay Wasaarada Arimaha Gudaha Jubaland

1010

Barlamaanka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee Jubbaland Ayaa Guddi Ka Kooban 10Xubnood Usaaray Sidii ay Warbixino Uga Keeni Lahaayeen Qaabka ay Ushaqeeyaan Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Iyo Xarumaha Kale Ee Dowladda

Maanta Waxa Ay Kormeer Ku Tageen Gudiga Barlamaanka Jubbaland Uxilsaaray Dabagalka Shaqooyinka Ee Wasaaradda Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Dowladaha Hoose ee Jubbaland Waxaana Xafiiiska Kulan Kulan Qaateen Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Warsame Darwiish kaas Oo Ay Su,aale Badan Ka Waydiiyen Hanaanka Ay Ushaqayso Wasaaradda Arimaha Gudaha Maadaama Ay Kamid Tahay Wasaaradaha Ugu Shaqada Badan

Kulanka Markii uu Soo Idlaaday Ayaa Waxaa Safaadda Lahadlay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Dowladaha Hoose Maxamed Warsame Darwiish Waxa uuna Ugu Horayn Umahad Naqay Xilibaanada Ukuurgalaya Sida Ay Ushaqeyaan Xarumaha Dowladda

Xubnahan Ayaa Todobaadkii Lasoo Dhaafay Kormeer Shaqo U Tagay Xarumo Badan Oo Ay Kamid Yihiin Wasaaradaha Maaliyadda,Howlaha Guud Iyo Guryeenta iyo Xarumo Kale Waxaana Ujeedku Ahaa Sidii Ay Ugaan Lahaayen Habsami Usocodka Shaqo Ee Xarumo Walbo Taas Oo Ugu Danbayna Loo Gudbin Doono Gudoonka Sare Ee Barlamaanka Jubbaland.