DHAGEYSO:Puntland oo fariin u dirtay musharixiinta madaxwaynaha Puntland 2019

1049

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa uga digay musharixiinta u taagan doorashada madaxtinimada ee Puntland fowdo iyo gaadiid dagaal inay lasoo galaan Puntland, isagoona ugu baaqay inay arrintaasi ka feejiganaadaan.

Waxaa uu ku baaqay in la ilaaliyo maslaxadda guud iyo inaan laga mashquulin iska daaficidda Al-shabaab, Daacish iyo Somaliland oo uu sheegay inay duulaan ku yihiin Puntland, dowladdana aan laga mashquulin arrimaha difaaca ee gacan lagu galo doorashada, gacana dalka lagu difaaco.