Laba beelood oo wada dega Jubbaland oo khilaafkooda lasoo afjaray

1115

Kullankani oo ahaa mid lagu dhamaystiriyay heshiis horay ukala saxiixdeen laba beelood oo walaalo ah oo wadadago deegaanno dhanka galbeed kaga magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo agaasintay  wasaaradaha arimaha gudaha iyo cadaalada, garsoorka iyo arimaha diinta ee dowlad goboleedka jubaland odoyaal dhaqameed waxgarad iyo culumaa’udiin

Labadani beelood ee walaalaha ah oo wada daga deeganada dhaca waqooyiga iyo koonfurta magaalada kismaayo ayaa waxa ay diriri kudhex maratay duleedka magaalada kismaayo taas oo dowlad goboleedka jubaland iyo odoyaasha labadani beelood  ay xal waara kawada gaareen

Kullankani ayaa ugu horayntii waxaa kahadlay wasiirka wasaarada arimaha gudaha dowlad goboleedka jubaland Mudane Max’ed Warsame Darwiish isagoo goobta ka akhriyay qodobadii ay labadani beelood horay ugu heshiiyeen

Waxaa isaguna goobta ka hadlay ugaas cabdullaahi siraad cabdi oo kamid salaadiinta jubaland ayaa aad usoo dhaweeyay heshiiska ay wada gaareen labadani beelood walaalaha ah waxa uuna carabka ku adkeeyay in haatan aanan loo baahnayn Qabyaalad oo ay soomaaliya ka gudubtay qabyaaladda.

Ugu damabeyntii waxaa goobta kahadlay wasiirka wasaarada cadaaladda garsoorka iyo arimaha diinta ee dowlad goboleed jubaland ayaa waxa uu odoyaashii iyo wax garadka ku buuriyay in labadan beelood uu maanta heshiiskooda udhamaystirmay qof walba madashan fadhiyana uu marqaati ka ahaado