Garoowe oo laga mamnuucay Shirar siyaasadeedka

1217

Kulan ay magaalada Garoowe ku yeesheen gudiga amniga gobolka Nugaal ayaa qodobadii kasoo baxay waxaa kamid ahaa go’aan uu gudigu kazoo saaray shirarka siyaasadeed ee lagu qabanayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Gudiga ayaa sheegay in shirar siyaasadeed aan la ogoleyn in lagu qabto gobolka Nugaal, ciddii shirar caykaasi oo kale ahna soo abaabusha tallaabo laga qaadi doono.

Kulankan ayaa madaxdii ka qeybgashay waxaa kamid ahaa wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland, Gudoomiyaha gobolka Nugaal, taliyaha xasilinta gobolkaasi iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa warbaahinta u aqriyay qodobada kasoo baxay shirka, isagoo sheegay in aan la ogoleyn in lagu qabto gobolka Shir siyaasadeed aan lasoo ogeysiinin gudiga.

Sidoo kale waxaa uu xusay in warbaahinta baahisa shirar wax u dhimi kara ammaanka in gudigu u aqoonsan doonaan in ay liddi ku yihiin nabadgelyada gobolka.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xisri Cali qarjab oo Shirka ka hadlay ayaa waxaa uu w sheegay in amarkan ka soo baxay guddiga amniga inuusan ahayn mid cid gaar ah lagu caburinayo, isagoona wasiirka sheegay in lagu jiro xilli xasaasi ah oo doorashooyin loo diyaar garoobayo loona baahan yahay in gacan bir ah lagu qabto amniga Gobalka Nugaal.

Uga dambeyn waxaa madashada ka hadlay Taliyaha xasilinta Gobolka Nugaal, sareeye guuto, Muxidiin Axmed Muuse,Waxaa uuna  sheegay in  guddiga nabad gelyada  uu xil ka saaran yahay inuu ka hor tago wax kasta oo loo arki karo inay caqabad ku yihiin Amaanka Deegaanada Gobalka Nugaal.