Dowladaha Soomaliya iyo Jarmalka oo Maanta Heshiis ku kala saxiixanaya Muqdisho

1158

Magalada Caasimada ee Muqdisho ayaa  Maanta lagu wadaa in uu ka dhaco hishiis udhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka

Heshiiskaan oo ku baxaya Boqol Milyan oo doolar   waxaa maanta magaalada muqdisho ku kala saxiixanaya dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka, kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu warqadaheeda aqoonsiga uu ka gudoomay shalay safiirka Jarmalka uu u soo magacaabay Soomaaliya ms Annette Gunther.

Lacagtan oo maanta guddoomeysa dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wax badan looga qaban doono dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha dalka, dib u dhiska ciidamada Booliska iyo shaqa abuur loogu sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaarada Arimaha dibbedda ee xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku tilmaamay lacagta maanta ay ka guddoomayaan dowladda Jarmalka ay wax badan ka tari doonto mashaariicyada horumarineed ee dalka laga fulinayo