
Ku Simaha madaxweynaha ahna Madaxwene ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland, mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xariga ka jaray xafiisyada hay’adda dhulalka Jubbaland
Waxaana munaasabada xarig jarka ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Masuuliyiin ka socotay degmada kismaayo
Ururrada dhalinyarada Haweenka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa sidoo kale ka qeybgalay xafladda daahfurka xarunta hay’adda qaabilsan dhulalka ee Jubbaland.
Xafiisyadaan ayaa noqonaya kuwa loogu adiigi doono shacbka Jubbaland kuwaa oo isugu jira xallinta khilaafaadka dhulalka iyo Bixinta sharciyada dhulalka
Sidoo kale hay’addan ayaa sharci u sameyn doonta guryaha aan lahayn sharciga, ayadoo kuwa leh sabarloogadana loo cusbooneeysiin doono.
Radio kismaayo codka Jubbaland isha wararka xaqiiqda ah