
Kooxda Manchester United ayaa xalay guul la yaab leh ka qaadatay kooxda Newcastle United oo laba gool ka dhalisay qaybtii hore ee ciyaarta.
United macallinkooda Jose Mourinho ayaa lagu qasbay inuu sameeyo baddal qaybtii hore ee ciyaarta, markii ay dhibaatoo soo gaartay Eric Bailly, waxaana sidaas fursad ku helay Juan Mata.
Kubbad sameeyaha reer Spain ayaa laad xor ah rajada ugu soo celiyay Red Devils, iyadoo Martial iyo Alexis Sanchez ay xaqiijiyeen goolasha bareejada iyo guusha.
Marouane Fellaini ayaa ka mid ahaa xiddigihii beddelka kusoo galay kullanka, waxaana lagu beddel Scott Mctominay, maadaama Mourinho uu xoogga saaray weerarka.
Laacibka reer Belgium ayaa ka war bixiyay hadalkii uu Jose ciyaartoyda dhegaha ugu soo shubay intii lagu jiray xilliga nasashada.
“Tababaraha waxa uu ma weydiiyay inaan nahay Rag, waxaana uu noo sheegay inaan cabsanin oo aan ciyaarno, annagana sidaas ayaynu sameennay” ayuu yiri Fellaini.
Waxaa la isla dhex marayay dhowaanahan in Jose Mourinho laga raacdeynayo shaqada Manchester United xittaa haddii uu guul ka gaaro Newcastle, balse waxay u muuqata in maamulka kooxda ay sheekadaas biyo qabow ku shubeen.
Hoos ka daawo Goosgooska ciyaartii dhexmartay Man United iyo News Castle United.
https://youtu.be/D6ontM_SvPM