Afartii qof ee aan jimicsi samayn mid ayaa khatar ku jira’ WHO

952

Khubarada dhinaca caafimaadka ayaa walaac ka muujisay in wax aad u yar laga qabtay sidii loo yarayn lahaa saameynta ka dhalata dhaqdhaqaaq la’aanta ama jimicsiga ku yar dadka ku nool caalamka.

War bixin ay soo saartay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu qiyaasay in afar meelood hal meel oo ka mid ah dadka dunida – oo ah tiro dhan 1.4 bilyan oo ruux aysan samaynin jimicsi ku filan, tiradan ayaana sare u sii kacaysay tan iyo sannadkii 2001-dii.

Qiyaastan ayaa ka dhigan in guud ahaan dadka caalamka afartii qofba mid ka mid ah uu ku jiro halis dhimasho.

Dhaqdhaqaaq la’aanta ayaa sababta in dadka ay soo wajahaan xaalado caafimaad darro sida iney qofka ku dhacaan cudurrada wadnaha, nooca labaad ee cudurka macaanka ama sokorowga iyo noocyo ka mid ah cudurka cancer-ka.

Dalalka uu soo galo dhaqaalaha badan oo uu ka mid yahay Ingiriiska ayey dadkooda yihiin kuwa ugu badan ee aan dhaqdhaqaaqa samaynin.

Sidoo kale haweenka caalamka oo idil ayaa loo aqoonsaday iney yihiin kuwo ka jimicsi yar raga