Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya

1060

Mudanayasha baarlamaanka soomaliya ayaa xarunta golaha shacabka ee magalada muqdisho ku yeelanaya kulan qeyb ka ah kulamadoodii ay uga hadlayeen.

Ajandaha kulanka maanta  ayaa waxa uu yahay  Aqrinta koobaad ee hindise sharciyeedka nashqadeynta magaalooyinka dalka sida ay warbaahinta u sheegeen  xilibaanno ka tirsan golaha Shacabka

Xildhibaannada ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka, isla markaana ay ka soo qeyb galaan.

Xildhibaannada Golaha shacabka oo weli ku guda jira kal-fadhigooda Afaraad ayaa waxaa kulamadii ugu dambeeyey ay uga doodeen xeer hoosaadka golaha Shacabka iyo Amniga waxaana sidoo kale horyaalla Ajandayaal kale iyo hindise sharciyeedyo.