Maamulka hirshabeele oo qorsheenaya howlgal ka dhan Maleeshiyaadka Alshabaab

1174

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Xuseen Guuldlaawe oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar ayaa sheegay in loo baahanyahay in maleeshiyaadka Al-Shabaab lagala soo horjeesto dagaal xoogan, kaas oo ay ka qaybqaadanayaan shacabka deegaanada Hirshabeelle.

Cali Xuseen Guudlaawe ayaa wuxuu sheegay in Maleeshiyda Al-Shabaab dhibaato badan ay ku haayaan shacabka, sidaasi darteedna loo baahanyahay in Shacabka ay gacan siiyaan ciidamada ammaanka.

Qaar ka mid ah bulshada ku nool Magaalada jowhar ayaa soo dhaweyay  qorsha maamulka hirshabeele ee ku aadan sidii cadowga Maleeshiyada Alshaab loogu sifeen lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin hirshabeele

Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa qeybo kamid ah waxaa ku sugan maleeshiyada Alshabaab oo wali dhibaato weyn ku haya dadka deegaanka