Fannaanad Caan ah oo ku geeriyootay Muqdisho

485

AUN waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ku geeriyootay Shamsa Xuseen Shumeey oo kamid ah fanaaniinta hobollada Waabari.

 

Fanaannadan oo maalmihii u danbeeyay ku xanuusanaysay magaalada Muqdisho ayaa geeriyootay xalay, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar kamid ah fanaaniinta hobollada waabari iyo golaha abwaannada.

 

AUN fanaanadan ayaa caan ku ahayn heesaha wadaniga ah ee lagu guubaabiyo bulshada islamarkaana ka hadla dal jacaylka.

 

Radio Kismaayo, Isha wararka xaqiiqda ah