Shirka Golaha Wasiirada Jubaland oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo

1112

Shirka Golaha Wasiirada Jubaland oo uu maanta shir gudoominayay madaxweyne ku xigeenka 1,aad ee dowlad Goboleedka Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Kismaayo ee caasimada ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland,waxaana looga hadlay  xaalada siyaasadeed ee dalka iyo amniga Dowlad Goboleedka Jubaland.

Madaxweyne ku xigeenka 1,aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay howlgaladii ugu danbeeyay ee ay sameeyeen ciidamada dowlad Goboleedka Jubaland ay ka sameeyeen deegaano hoos taga Degmada Jamaame ee Gobalka Jubada hoose.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa Golaha wasiirada Jubaland uga warbixyay qodabadii ka soo baxay shirkii Golaha amniga dowlad Goboleedka Jubaland oo shalay ka dhacay magaalada Kismaayo.

Ugu danbeyn Shirkan ayaa waxaa warbixino looga dhageystay wasaaradaha kala ah,Howlaha guud iyo Guriyeynta,Garsoorka iyo Cadaalada iyo wasaarada arimaha Gudaha.