Madaxweynaha Jubaland Oo Nairobi Kula kulmay Xubno Ka Socdo beesha caalamka

1111

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi Ee xarunta dalka Kenaya aya maanta kulamo gooni gooni la qaatey qaar kamid ah safiirada beesha caalamka ee ka howlgala Gudaha Soomaaliya.

kulamada uu madaxweynuhu la qaatey Safiirada Maraykanka , Sweden , Jarmalka iyo Canada ayaa lagaga wada hadley xaalada Amni ee uu hadda dalku ku suganyahay , Arrimaha Siyaasadda iyo Sidii loo sii anba qaadi lahaa adeegyada hormarineed ee ay Dowladahani ka taageeraan Dowlad Goboleedka Jubbaland , Sido kalena lagawada shaqeeyo hoos u daadejinta maamulka si adeeg hufan loo wada gaarsiiyo bulshada gobolka.