Wax ka Ogoow Immisa Lacag Ayey Koox Walba Ka Heli Doontaa Koobka UEFA Champions League

1138

Koobka horyaalada yurub ayaa bilaaban doona, habeen dambe ayaa qaar ka mid ah garoomada yurub laga baasan doonaa, sidaas darteed waxaa faah-faahin laga bixiyay qiimaha lacageed oo ay koox walba ka heli doonto tartankaan.

Xiriirka qaaradda yurub ee UEFA ayaa sare u qaaday lacagaha ay heli doonaan kooxaha ka qeyb galaya tartanka marka lala barbardhigo fasal ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxaana sanadkaan fursad fiican heli doona kooxaha u gudba wareega bug-baxda kuwaas oo heli kara lacago badan.

Marka laga hadlo bilowga waxey koox walba heli doontaa 15.25 Malyan oo Yuuro, lacagahaas waxaa ku kordhi doona 2.7 Malyan oo Yuuro oo guulo ah iyo 0.9 Malyan oo lagu heli doono barbaraha.

Sidaas darteed kooxdii hesha 6-guulood oo tartanka yurub ah waxey ka dhigan tahay iney jeebka ku shuban doonto 16.2 Malyan oo Yuuro.