Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee jubbaland oo shir gudoomiyay shirka amniga Jubaland

1088

Shirka billaha ee Amniga ayaa waxaa looga hadlay xallada amniga jubbalnad iyo Guud ahaan dalka.

Waxaana Kulanka Shir gudoominayay madaxweyne kuxigeenka koowaad ee jubbaland maxamud sayid aadan waxaana ka Soo qayb galay Wasaaradaha amniga,arrimaha gudaha,caddaalada maaliyada iyo saraakiil ciidan oo kasocday xoogga dalka,darawiishta,booliska iyo nabad sugida jubbaland iyo saraakil katirsan AMISOM

Inta uu socday ayaa looga hadlay xoreynta deeganada ay ku sugan yihiin maleshiyaadka al Shabab iyo dardar galinta howl galada kadhanka Ah aragixisada al Shabab.

La taliyaha madaxweynaha jubbaland dhanka amniga sareeeye gaas  Yuusuf  Xuseen Dhuumaal ayaa Warbaahinta Jubaland Oga warbixiyay go’aanadii kasoo baxay shirka.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka La taliyaha madaxweynaha jubbaland dhanka amniga sareeye gaas  Yuusuf  Xuseen Dhuumaal