John Terry oo ku soo laabanaya kooxda Chelsea

938

Difaacii hore ee kooxda Chelsea, John Terry ayaa kusoo laabanaya kooxdiisii hore isagoo noqonaya macallinka 23-jirrada Blues.

37-jirkan ayaa ka maqnaa garoomada kubadda cagta tan iyo dhammaadka xilli ciyaareedkii hore, maadaama uu dhammaaday qandaraaskiisa kooxda Aston Villa uu dhammaaday.

waxa uu ku sigtay inuu u ciyaaro kooxda Spartak Moscow, balse laacibkii hore ee England ayaa iska joojiyay ka ciyaarista horyaalka Russia.

Waxaa mar lala xiriiriyay in uu Frank Lampard oo ay Stamford Bridge ka wada ciyaareen kula biiro maamulka kooxda Derby County oo uu hadda Lampard macallin u yahay.

si kastaba ha ahaatee, The Sun ayaa werrineysa in John Terry uu saxiixi doono heshiis uu ku qaadan doono £800,000 sanadkii.

Waxa uu shaqada ka beddelayaa Jody Morris oo kula biiray Lampard kooxda Derby, isagoo hor kici doono kooxda Chelsea ciyaartoydeeda dhallinyarada ah.

Captain-kii hore ee Blues ayaa billaabi doona shaqadiisa marka uu soo dhammeysto barashadiisa macallinimo isagoo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Paris ee caasimadda France.