Cristiano Ronaldo oo ka hadlay fal kufsiga ah oo lagu eedeeyay

433

Cristiano Ronaldo ayaa “war been ah” ku sheegay eedaynta ay soo jeedisay gabadha Maraykanka ah ee sheegtay in ciyaaryahanka reer Boortaqiis uu kufsaday 2009.

Ronaldo oo muuqaal soo dhigay Instagram-ka ayaa yiri “waxay rabaan in ay magac radsadaan iyaga oo magacayga adeegsanaya. Waana wax iska caadi ah.”

Qareennada Ronaldo ayaa sheegay in ay dacwad ku soo oogi doonaan jariidadda Der Spiegel oo markii ugu horraysay tabisay warka eedaynta ah.

Jariidadda ayaa daabacday in Kathryn Mayorga ay sheegtay in Ronaldo oo 33 jir ah uu ku kufsaday huteel ku yaalla Las Vegas.

Mayorga oo 34 jir ah ayaa sheegtay in wax yar ka dib ay dacwad kufsi ka furtay booliiska Las Vegas, sidaadii ay arrintu u dhacdayba.