Wasiirka Amniga Jubbaland: Soomaaliya waxay leedahay wiilal Geesiyaal ah

1261

Wasiirka amniga dowlad goboleedyada Jubbaland Mudane C/rashiid Xasan C/nuur oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Baladxaawo ayaa ugu baaqay dowladda Soomaliya in ay ka shaqeeyso dhismaha ciidamada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan suurogal ahayn in ciidamo shisheeye ay nabad kusoo celiyaan dalka.

“Soomaliya waxa ay leedahay wiilal geeisayaal ah oo cadawga meeshuu joogo ugu tagi kara haddii tababar la siiyo, wixii ay xaqa u lahaayeenna la siiyo,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Wasiirka ayaa ku dhaiilay madaxda dowladda dhexe in ay ku mashquuleen waxyaalo aan dan u ahayn umadda, isagoo sheegay in howsha ugu weyn ee dowladda laga rabo in ay hormuud u noqoto in ay tahay xoreynta dalka.

“Ma ahan in aad dadka ku mashquulisaan hebel baa shaqo qaban waayay, hala badalo iyo wax lamid ah, shaqo adag ayaa inoo taal iyo in cadawga dalka laga xoreeyo,” ayuu si cadho leh u yiri wasiirka.

Wasiirka Janan ayaa hadalkiisii raaciyay; “Dhalinyarta in la qalabeeyo, dhaqaalaha siyaasadda lagu bixinayo iyaga lagu bixiyo, Haddii aad qabtaan in madax lagu ahaan karo ciidamo shisheeye walaahi madax laguma ahaan karo.”

Inkastoo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay mareeyso marxalad adag, hadana dowladda ayaa weli ku adkeysaneeysa in ay ka aamusnaato dhaliilaha ay u jeedinayaan madaxda dowlad goboleedyada oo iyagu hakiyay wadashaqeyntii dowladda dhexe, tabashooyin ay qabaan awgeed.