Xasan Daahir Yarow oo ku soo baxay doorashada Aqalka sare ee jubbaland

918

Magaalada Kismaayo  ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka socota  dhamaystirta doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya maamulkaas.

Doorashadan oo ay ku tartamayaan 8 xubnood oo buuxin doono Afarta Kursi ee ka harsanaa doorashadii Aqalka ee Jubbaland oo dhacday bishii 7aad ee sanadkan.

Xasan Daahir yarow ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyey manta loo doortay Aqalka sare ee Jubbaland 4 sano ee soo socota, isagoo  helay 59-cod, waxaana la tartamay  Cabdi Xuseen Cali oo helay 13 cod.