Barlamaanka Jubbaland oo maanta ansixiyey xeerka cusub ee kaluumaysiga Jubbaland

877

Mudanayaasha barlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta waxay Yeesheen kalafadhii sadexaad,fadhigiisa sagaalad kaasi oo uu ajandaha uu ahaa ka doodista xeerka kalumeysiga iyo kheyraadka badda Jubbaland oo ay soo Gudbisay wasaaradda kalumeysiga.
Kulanka Barlamaanka ee maanta waxaa fadhigii soo xaadiray 50 Xildhibaan.
Maxamed Axmed Waladi Lataliyaha wasaaradda kalumeysiga oo wakiil ka ahaa wasiirka kalumeysiga ayaa xeerka oo ka kooban 42 qodob ka hor aqriyaay golaha barlamaanka.

“xeerkaan ayaa waxaa laga tixraacay xeerka dalka ee ku addan kalumeysigga iyo kan dowlad goboleedyada dalka kajira, sidookale waxaa xeerkaan kalin ka qaatay bulshada qeybaheeda kala duwan iyadoona la kaashanayo aqoonta iyo waayo aragnimadda bulshada”sidaas waxaa yidhi Maxamed Axmed lataliyaha wasaaradda kaluumaysiga Jubbaland.
Wasiirka kalumeysiga Jubbaland Cabaas Cali Ibraahim ayaa si sharaf leh xildhibadda uga socday ansaxinta xeerka dib u eegista kalumeysiga.

‘’Xeerkaan in muddo ah ayaan ka soo shaqaynaynay Juhdi badan ayaan galinay ,qarash badan ayaan gelinay waxaana ii farxad in maanta barlamaanka Jubbaland aan horkeeno si loo ansaxiyo”sidaas waxaa yiri wasiirka wasaaradda kallumeysiga iyo kheyraadka badda Dowlad Goboleedka Jubbalan Cabaas Cali Ibraahim
Aqrinta xeerka kadib ayaa waxaa su’aalo laga waydiiyay xeerka wasiirka kalumeysiga waxaana xeerka ansaxiyay 45 xildhiban iyadoona ay diideen 5 xildhibaan mana Jirin qofka amuusay.

Xeerkaan waxaa horay u soo ansaxiyay golaha wasiiradda Jubbaland,