CHAMPIONS! Xulka Italy Oo England Ku Garaacay Koobka Euro 2020 Kulan Waali Ahaa Oo Ka Dhacay Wembley

719

Xulka Qaranka Italy ayaa ku guulestay Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020 kaddib markii uu guul kaga gaaray dhigiisa England rigoorayaal 3-2 kulan leysku daalay oo waqti dheeri ah la aaday kaasoo ku dhammaaday bar-bardhac 1-1 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka England.

Daqiiqadii 2-aad ee bilowgii ciyaarta xulka qaranka England ayaa hoggaanka u qabtay dheesha waxaana 0-1 Luke Shaw, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Kieran Trippier.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

67 daqiiqo marka ay dheesha mareysay xulka qaranka Italy ayaa dhaliyay goolka bar-bardhaca, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Leonardo Bonucci oo caawin ka helay saaxiibkiis Marco Verratti.

90-ka daqiiqo ee loogu talagalay kulanka ayaa wuxuu ku soo idlaaday bar-bardhac 1-1 ah oo ay isku mari waayeen labada xul qaran ee England iyo Italy, waxaana la aaday 30 daqiiqo oo waqti dheeri ah, si loo xaqiijiyo xulka ugu dambeyn loo caleemo saarayo ku guuleysiga koobka Euro 2020.

Ugu dambeyntii xulka qaranka Italy ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee EURO 2020, kaddib markii rigoorayaal 3-2 uu kaga adkaaday dhigiisa England kulankii Final-ka ahaa ee tartankan.