Antonio Guterres Oo Walaac Darran Ka Muujiyay Dagaaladii Muqdisho

851

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inuu ka walaacasanyahay xaaladda Soomaaliya, kaddib dagaalladdii Axaddii ka dillaacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

War-murtiyeed ka soo baxay afhayeenka Xoghayaha Guud Stephane Dujarric ayaa qornaa sidan:-

“Xoghayaha-Guud wuxuu aad uga walaacsanyahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul.

Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo”