Madaxweye Ku-Xigeenkii Hore Ee Dalka Mareykanka Oo Geeriyooday

709

Madaxweyne ku-xigeenkii dalka Mareykanka Walter Mondale xilligii Jimmy Carter ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay qoyskiisa.

Mondale wuxuu ahaa 93-jir, waxaana qoraal ka soo baxay qoyskiisa lagu yiri “Waa murugo aad u weyn inaan idinla wadaagno warka ah in aabaheen oo aan aad u jecleyn uu geeriyooday

Waxaa lagu sheegay Mondale inuu ahaa codkar wax badan ka badalay siyaasadda mareykankaa, gaar ahaan xisbiga dimoqraadiga oo uu ka tirsanaa, wuxuuna sanadkii 1984 u tartamay xilka madaxweynaha Mareykanka, waxaana cod aqlibiyada leh uga adkaaday Ronald Reagan.

Mondale wuxuu soo noqday xeer-ilaaliyaha guud gobolka Minnesota, ka hor inta aan loo magacaabin booskii Aqalka Senateka ee uu banneeyay Hubert Humphrey oo noqday madaxweyne ku xigeenkii madaxweyne Lydone Johson, kaas oo iskan iska casilay markii uu noqday madaxweyne ku xigeenka Jimmy Carter sanadkii 1976.

Geeridiisa waxaa ka tacisiyeeyay madaxweyne Jose Biden oo sheegay in Mondale uu ahaa ninkii ku soo dhaweeyay aqalka Senateka markii isaga oo da’yar uu ku soo biiray.