Madaxweynha Jubbaland oo tacsiyeeyay Qaraxii ka dhacay Dagmada Shangaani

43

 

Madaxweynaha dowlada Jubbaland  Mudane Axmed Maxamed Islaam  ayaa ka tacsiyadeeyay Qaraxii xalay  ka dhacay degmada Shangaani.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed ee ay ka bexeen allah ha u Naxariistee dhalinyaradii Caawa Argagixisadu ay ku xasuuqday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Tani waxay cadayn u tahay sida Al-Shabaab ay uga go’an tahay inay beegsadaan haldoorka Bulshada iyo dhalinyaradii usoo kacday sidii Mustaqbalka dalkeena ay wax wanaagsan uga samayn lahayeen.

Ficilada guracan ee Argagixisadu ay doonayso inay nagu cabsi galiso mara nagama waabin doonto sida ay dhamaanteen inooga go’antahay in dalkeena aan ka dhigno meel amaan ah oo hormar la taaban karo ku talaabsada.