Taliska Ciidanka xoogga dalka oo guulo ka sheegtay dagaalka Shabeellaha Hoose

65

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidamada ay fashiliyeen weerar gaadmo ahaa oo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab saaka ay  ku soo qaadeen deegaanada Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in wali ciidanku sii baacsanayaan maleyshiyaadkii soo weeraray deegaanadaas.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab looga dilay 45 Xubnood tiro intaas ka badana ay ka dhaawaceen wallow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in degaannadii lagu dagaalamay uu ka socdo howlgal uu hogaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka jeneraal Odawaa Yuusuf Raage kaasi oo lagu baadi goobayo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerar geystay.