Beesha Caalamka oo Maanta Shir isugu keeneysa Madaxda DF iyo M/Goboleedyada

60

Beesha Caalamka oo Maanta Shir isugu keeneysa Madaxda DF iyo M/Goboleedyada
Beesha Caalamka oo Maanta Shir isugu keeneysa Madaxda DF iyo M/Goboleedyada.

Shir u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo sabti ah uu Shir uga furmo Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadli doonaa Ajendayaasha Shirka Wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta, dhammaan Madaxda maamulada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Duqa Muqdisho ayaa ka qeyb galaya Shirka Maanta.

Todobaadyadii ugu dambeeyay Beesha Caalamka ayaa waday dadaalo kala duwan oo isugu keeneyso Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, kadib markii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay shuruudo ku xireen qeyb galka shirarka looga hadlayo doorashada.

Habeenkii xalay aheyd ayaa waxaa la sheegay in la isku afgartay in ammaanka goobta Maanta uu shirka ka dhaacyo ay ku sugaan Ciidamada AMISOM, isla markaana Madaxda ay banaanka Afisyooni uga soo tegaan Ilaaladooda gaarka ah marka laga reebo kuwa dharcadka ee Madaxda la socda.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyadam cadaadis xoogan ku saaraya inay heshiis rasmi ah ka gaaran doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya oo is marin waag uu ka taagan yahay.