Beesha Caalama Oo La Shirtay Jubbaland Iyo Puntland

77

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa qaabilay Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha taagan gaar ahaan Doorashada, Iyadoo Dowladaha Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen Beesha Caalamka  aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee  uu qabsoomi karo Shirweynaha Doorashada

 

Kulankaas ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray ka hadalka arrimaha doorashooyinka dalka, waxayna madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen wakiillada Beesha Caalamka aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha wadatashiga ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad  goboleedyada.

 

Ugu danbeen  wakiillada beesha caalamku xalay la yeesheen madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku soo aaday saacado kadib markii ay xubanaha beesha caalamku shir kale la yeesheen  Ra’iisul Waasaaraha xukuumadda xilka sii-hayaha Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay.