Wasaaradda waxbarashada Jubbaland oo kulan isbarasho ah u qabatay dhallinyaro baratay xirfadaha gacanta iyo shirkadaha ganacsiga ee magaalada

831

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland ayuu ujeedkiisu ahaa sidii la isku bari lahaa dhallinyaro ay soo tababartay wasaaradda, kuwaa oo bartay xirfado kala duwan oo gacanta ah iyo weliba shirkadaha ganacsi ee ka jira magaalada.

Dhallinyaradan ayaa kasoo baxay machad lagu barto farsamada gacanta oo ay maamusho wasaaradda waxbarashada Jubbaland, waxaa ay barteen xirfado ay kamid yihiin Korontada, Computerka, harqaanka, dhismaha, biyo-gelinta, xirfadaha qurxinta dumarka, Faryaamada iyo xirfado kale.

Kulanka waxaa kasoo qebygalay qaar kamid ah shirkadaha ganacsiga magaalada Kismaayo, sida shirkadaha korontada, dhismaha, bangiyada, Madbacadaha iyo shirkado kale.

Kulankan intii uu socday ayay wasaaradda uga warbixisay masuuliyiinta shirkadaha ganacsiga xirfadaha kala duwan ee ay barteen dhallinyarada si haddii ay u baahanyihiin ay uga faa’iideystaan si ay fursad ugu noqoto dhallinyaradan wax baratay.

Kulanka markii uu soo idlaatay waxaa la hadlay Radio Kismaayo Gudoomiye kuxigeenka degmada Kismaayo C/laahi Maxamed Cabdi, waxa uuna ka warbixiyay kulanka.

Agaasimaha waaxda farsamada gacanta ee wasaaradda waxbarashada Jubbaland Dr. Axmed Faarax Cali (Aweys) ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka Kulanka.

Dhinaca kale, wasaaradda ayaa dhallinyarada xirfadleyaasha  u sameeysay guddi iyaga matali doona, kaasoo xafiis looga furay Hotel Agan, waxaana guddigaa oo kaashanaya wasaaradda waxbarashada Jubbaland uu ka shaqeyn doonaan sidii uu fursad ugu raadin lahaa dhallinyarada baratay xirfadaha kala duwan.

Maxamed Bashiir Axmed waxa uu kamid yahay masuuliyiinta Shirkadda daabacaddda iyo xayaysiiska ee Kismayo Jet, kulanka markii uu soo idlaaday ayuu ka warbixiyay ka ganacsato ahaan sida ay u arkaan barnaamijkan ay soo bandhigtay wasaaradda.

Wasaaradda waxbarashada Jubbaland ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxa ay xoogga saartay sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aanta ah loo siin lahaa fursado ay muddo gaaban ku baran karaan xirfado ay ku shaqeystaan, waxaa barnaamijkan uu fursad u noqday dhallinyaro badan oo qaarkood hadda uga shaqeysta magaalada xirfadihi ay barteen