Ciidanka Xoogga Oo Sheegay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Xubno Ka Tirsan Maleshiyaad Al-Shabaab

95

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Howlgal ay ka sameeyay Deegaano hoosyimada Deegaanka Awdiinle ee  Gobalka Baay ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegeen in howgalkaay kusoo soo qabteen g 4-ruux Maleshiyaada ka tirsan AL-Shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Awdiinle iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Ciidanku waxaa ay intaa ku dareen in ay heleen xog ku saabsan kadibna ay ku baxeen, goobta ay ku sugnaayeen xubnaah ka tirsan nabad diidka  Al-shabaab, ka dibna gacanta ay kusoo dhigeen waa sida ay hadalka u dhigeene.