Golaha ammaanka ee Q.M oo shir ka yeelanaya xaalada Soomaaliya

59

Waxaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kulan ka yeesho siyaasadda cakiran ee Soomaaliya, kadib rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay caasimadda Muqdisho.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa khudbad ku aaddan marxaladihii u dambeeyay ee dalka ka jeedin doona kulanka.

Muqdisho waxaa ku sugan madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed kuwaas oo shalay kulan la yeeshay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa siweyn waxaa ay uga hadli doonaan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo xilligaan uu khilaaf ka taagan yahay, iyaga oo soo saari doona baaq ku socda saamileyda siyaasadeed ee dalka.