Go’aano Laga Soo Saaray Kulan Looga Hadlay Amniga Oo Ka Dhacay Boosaaso

756

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta waxaa lagu qabtay kulan looga hadlaayay amniga Magaalada iyo Gobolkaas, waxaana ka qeyb galay Taliyeyaasha Saldhigyada loo xil saaray sugidda amniga iyo Saraakiisha Booliska Gobalka.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xoojinta amniga Gobolka Bari iyo sidii looga hortegi lahaa Maandooriyaha iyo ragga hubeysan ee burcada ah ee xiliyada habeenkii ah dhac u geytsa dadka shacabka, kuwaasi oo qaarkood gacanta lagu dhigay

G/Le Yuusf Cabdi Cartan oo kamid ah Saraakiisha Gobalka Bari ayaa ka war bixiyay natiijada kulanka amniga, wuxuuna sheegay in la isla gartay in bulshada Bari ay la shaqeeyaan laamiga, si looga hortego falalka amni darro.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay G/Le Yuusf Cabdi in laamiga amniga looga baahan yahay inay gacan adeg ku qabtaan cid kasta oo wada amni darro, isagoo xusay in burcad hubeysan oo howlgal lagu qabtay la horgeyn doono Maxkamad.

Gaba-gabadii Sarkaalka ayaa sheegay in Booliska ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay Khamri, isla markaana Carabta ku dhuftay in sharciga la horgeyn doono, waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid