Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta Jubbaland oo kormeer shaqo ku yimid xarunta Radio Kismayo

46

Agasimaha guud ee wasarada warfaafinta Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubbaland Mudane Cabdishukri Carab Cumar  oo uu wehelinayo agasimaha waxada shaqada iyo shaqalaha wasarada  Mudane Daa’uud Cabdi ayaa saaka Kormeer shaqo ku yimid xarunta dhexe ee Idaacadda Radio Kismaayo Codka Jubbaland, ayagoo maamulka iyo shaqaalaha idaacadda kala soo qeybgalay shirka todobaadlaha ee maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda ee la qabto maalin walba oo Sabti ah.

Masuuliyiintan ka socota wasaaradda warfaafinta ayaa warbixin ku saabsan howlaha idaacadda iyo xeerarka shaqo ee shaqaalaha ka dhageystay Agaasimaha Radio Kismaayo Xasan Nuur Maxamed.

Waxa ay bogaadiyeen horumarka ay idaacadda ku talaabsatay iyo dadaalka shaqaalaha iyo maamulka Idaacadda, ayagoo sheegay in ka wasaarad ahaan ay xoogga saari doonaan sidii loo dhiirigelin lahaa maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda.

Kulanka markii uu soo idlaaday ayaan si gaar ah uga wareeysannay ujeedada kormeerka agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubbaland Mudane Cabdi Shukri Carab Cumar

Kormeerkan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada wasaaradda ee ka warqabka iyo la socoshada howlaha shaqo ee warbaahinta ku hadasha codka dowlad goboleedka Jubbaland.