Puntland oo ka hor-timid in Garoowe lagu qabto shirkii uu FARMAAJO ku baaqay

742

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadashay Shirka mar kale uu Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacaya Magaalada Garoowe.

War kooban oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa marka hore lagu soo dhaweeyay Shirka uu ku baaqay Farmaajo, waxaana ay sheegeen in Puntland aan la tashi lagala sameeyn in Shirkaas lagu qabanayo Garoowe.

Puntland ayaa ku talisay in Shirka Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, maadaama uu idlaaday muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo.

Sida muuqata, madaxweyne Farmaajo ayaan huri doonin in shirkan uu ka dhaco Muqdisho, waxaana suurta-gal ah inuu noqdo shir ballaaran oo laga qeyb geliyo dhinacyo badan, oo markii hore aan qeyb ka aheyn.