Booliska Hir-Shabeelle oo gacanta ku dhigay maandooriye & dadkii ka Ganacsanayay

85

Ciidanka ammaanka Maamulka Hirshabeelle ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay howlgal saacado dhowr ah socday ka sameeyay Baladweyne, waxaana laga helayaa faah faahino.

Inta uu socday howlgalka Ciidanka amniga sameeyeen ayaa waxaa lagu soo qabtay waxyaabaha Maanka dooriya ugu horreeyay Qamri badan oo si qarsoodi ah loo geliyay Magaalada Baladweyne ee Hirshabeelle

Taliyaha Booliska Baladweyne Maxamed Maxamuud Rooble oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidanka ay ku guuleysteen soo qabashada kaartoon ay ku jireen dhalooyin badan oo Qamri ah iyo xashiish dhowr ah.

Waxa uu u digay dad uu sheegay inay ka Ganacsadaan waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo uu sheegay in Ciidamada amniga hir-Shabeelle ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan.

Booliska Hor-Shabeelle ayaa dhowr jeer oo hore ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Magaalada Beledweyne iyo degaannada kale ee Hir-Shabeelle waxaa ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii ka Ganacsanayay.