Dowladda Turkiga Oo Digniin Culus U Dirtay Midowga Yurub

857

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa uga digay Midowga Yurub inay sii wadaan go’aanka cunaqabateynta lagu saarayo Ankara, kaasi oo ay meel mariyeen bishii Diseembar ee sanadkii tagay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mowlud Oglo ayaa arrinkan ka sheegay, isaga oo ku caddeeyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweeter-ka kadib kulan uu la qaatay hogaamiyaha Golaha midawga Yurub, Charles Miche

Wasiir Oglo wuxuu caddeeyay mowqifka Turkiga, wuxuuna digniino u diray wasiirka arrimaha dibadda ee Yurub Josep Borrell, madaxweynaha guddiga Yurub Ursula von der Leyen iyo Charles Michel.

intii uu socday kulanka Reer Yurub, ayaa waxay kula taliyeen Turkiga,  inay ka waantoobaan waxq kasta oo kicin kara xiisadda dagaal, saraakiisha Turkiga ayaa dhankooda sheegay inay qaadan doonaan go’aan ay kaga jawaabayaan cunaqabateynta inta lagu gudajiro shir madaxeedka Yurub ee loo balasanyahay  bisha Maarso.

Wasiirada  arrimaha dibada  midowga yurub aya Isniinta soo socta u balansan kulan ay kaga wada hadli donaan xiriirka udhaxeeya midowga Yurub iyo Turkiga, sida uu ku sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Luxembourg Jan Asselbronn war uu siiyay majalada France Press