Bulshada dagmada afmadow oo bogaadiyay leerarka cadceeda ku shaqeeya.

1112

Qaar kamida bulshada ku nool degmada afmadow ayaa bogaadiyay leerarka cadceeda ku shaqeeya oo dhawaan laga hirgaliyay dagmada

waxaa ay aragtiyadooda ka dhiibteen waxa ay leerarka cadceeda ku shaqeeya ay magaalada afmadow kusoo kordhiyeen waxaana ay sheegeen in uu kaalin wayn ka qaatay usocodka dadka iyo ganacsiga dagmada  habeenkii ayay sheegeen in goobaha ganacsiga illaa xiliyo danbe ay shaqeenayaan.

Gudoomiyaha degmada afmadow maxamed amiin cabdullaahi oo inoo waramay ayaa dhinaca kale ka warbixiyay sida uu horumarka degmada oga qayb qaatay iftiinka cad ceeda ku shaqeeya .

Waxaana uu sheegay in magaaladu ay ahaan jirtay mid habeenkii mugdiya oo uu dhaq dhaqaaqu yaraa kaliya maaalinkii ganacsiga iyo isu socodku uu xowli usocon jiray .

Balse hada  leerarka ku shaqeeya cad ceeda ay kaalin wayn ka qaateen in habeenkii ganacsiga uu socdo sidookalana dhaq dhaqaaqa magaalada uu habeenkii kordho.

 

Gudoomiyaha ayaa sidookale ka hadlay qorshaha horumarineed ee magaalada sanadkan bilowga ah  iyo sanadaha soo socda

By  Cabdi Fataax Daljir