Ciidamada Puntland Oo Xalay Fuliyay Howlgal Dad Badan Lagu Soo Qabtay

896

Ciidanka ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ee Gobolka Bari ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay howlgal saacado badan qaatay ka saameeyeen xaafaddo kala duwan oo ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas.

Ciidamada Booliska ayaa howlgalka sigaar ah uga inta badan xaafadaha ku yaalla bartamaha Magaalada iyo hotelada, iyagoona kusoo qab qabtay dad u badan dhalinyaro ah, kuwaasi looga shakiyey falal amni darro.

Dadka la qabtay ayaa la isugu geeyay goob barxad ah, isla markaana laamaha amniga Gobolka Bari kala saareen dadkaas oo qaarkood la sii daayay, halka kuwo kale ay horey u wateen Ciidamada.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in ay Howlgalalda sii socon doonaan ilaa ammaanka laga xaqiijinayo, isaga oo bulshada ugu baaqay inay Ciidamada la Shaqeeyaan.

Howlgalkan laga sameeyay magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaalada lagu dilay Haweeneey la sheegay inay Ganacsatao aheyd, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta ka baxsadee.