Dib u dhac markale ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya

130

 

Waxaa muuqanaya dib u dhac ku yimid guud ahaan jadwalka doorashada 2020-21 oo ay ku heshiiyeen madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa dowlad gobolleedyada dalka.

Maanta oo ay taariikhdu ku beeggan tahay 01 bisha December, sanadka 2020 ayuu qorshuhu ahaa sida ku cad jadwalka doorashada in gobollada dalka iyo caasimada Muqdisho ay ka bilaabato doorashada xildhibaannada Aqalka sare, halka xildhibaannada Golaha Shacabkuna qorshuhu ahaa in la soo doorto 10-27ka isla bishan December.

 

Doorashada Aqalka Sare waxaa loo qorsheeyay Kowda ilaa 10-ka bishaan, waxaana muuqata in aysan muuqaan saan saan doorasho, maadaama maamulada qaarkood aysan soo magacaabin guddiyadii doorashada halka midka dowladda dhexena lagu muransan yahay.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland wali lagama haayo xubnihii qaban lahaa doorashada ee heer maamul, waxaana muuqata in wali ay taagan yihiin ismaandhaafka doorashada iyo in uu meesha ka baxo jadwalkii lagu heshiiyay.