Aqriso Isbadal nololeedka ku yimid dhallinyar katirsanayd Shabaab oo isa soo dhiibay

285

Ururka Al-Shabaab wuxuu qortaa kumannaan qof oo uu ka dhigto ciidanka lugta, laakiin wuxuu sidoo kale u baahan yahay dad qabta shaqooyinka loogu adeego bulshada ku dhaqan deegaannada uu maamulo. Qof walba oo la qabto isagoo baxsasho isku dayaya waa la dilaa. Dhanka kalena, dowladda Soomaaliya waxay isku dayeysaa inay dhiirrigalin u sameyso dadka kasoo goosta kooxdaas, waxayna u sameysay xarumo dhaqan celin ah oo looga caawiyo sidii ay dib bulshada ugu noqon lahaayeen.

Saddex ka mid ah dadkaas ayaa hadda i hor fadhiya, waxaana ku jirnaa qol aan iftiin ahayn.

Ibraahim ayaa bidixda fadhiya. Waxaa ka muuqata kalsooni, funaanaddiisa gacmo-gaabka ah guluusyadeedana waxaa u sudhan okiyaale madoow oo nooca qorraxda laga xidho ah. Gacantiisa waxaa ku xidhan saacad weyn, indhihiisa waaweyn ee bunniga ahna waxay ka iftiimayaan koofiyadda u xidhan hoosteeda. Wuxuu sheegay inuu yahay 35 jir.

Mowliid ayaa ku jira dhexda. Waa caato wuxuuna xidhan yahay dacas jaalle ah oo uu u ekeysiinayo funaanaddiisa. Waa 28 jir.

Dhanka midigna waxaa fadhiya Axmed. Gar isku jooga ilaa hareedka ayuu leeyahay, madaxana waxaa ugu duuban cumaamad. Funaadan sida cirka buluug u ah ayuu xidhan yahay, garan midabkaasoo kale u egna hoos ayuu ka wataa. Waa 40 jir.

Raggan waxay qabaan cabasho.

Kama aysan heli quraacda lagu siiyay meeshan ammaanka ah ee ka dambeysa siligga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

“Ma aha cuntadeenna caadiga ah, sida cansheero iyo digir. Ma jeclin biyaha caagagga ku jira. Waxaan jecel nahay nolol sahlan iyo biyo caadi ah,” ayuu yidhi Axmed. Nasiib darro, garoonka diyaaradaha wuxuu bixiyaa raashinka caalamiga ah. Waxaa laga helaa pizza, hilib lo’aad iyo khamri, kuwaasna ma aha cunto Soomaali.

Waxaan hadalkeyga ku billaabay inaan raggan u sheego in aanan adeegsan doonin magacyadooda dhabta ah, sawirradooda qaadan doonin, wax dhibaato u keeni karana aanan sheegi doonin, ama aanan faafin doonin wax aysan ku faraxsaneyn.

Ibraahim ayaa hadalkii iga dhex galay.

“Kama cabsaneyno inaan sheekadeenna gudbinno. Wax kasta oo aad rabto na weydii. Waad qaadan kartaa sawirradeenna, magacyadeenna dhabta ahna waad isticmali kartaa.”

Hase ahaatee, aniga waxaan go’aansaday in aanan qaadanin sawirradooda, magacyadoodana adeegsanin, sababtoo an waxaan u baqayaa naftooda.

Sababta aan sidaas u sameynayo waa in dhammaantood ay kasoo goosteen ururka islaamiga ah ee al-Shabaab, kaasoo jiray in ka badan toban sano, meelo badanna ka maamula Soomaaliya, kuna dhaqa shuruuc adag iyo ciqaab.

Ururrkan wuxuu dhistay maamul, wuxuuna leeyahay iskuullo xarumo caafimaad. Dhul beereedyada ayuu ka bacrimiyaa deegaanada uu gacanta ku hayo, wuxuuna dhisaa waddooyin iyo buundooyin, dad shaqooyinkaas u qabta ayuuna doonayaa ururku.

Ciqaabta la marsiiyo dadka ka goosta al-Shabaab waa dil. Al-Shabaab waxay ii sheegeen in ciqaabtaas lagu xukumayo qof walba oo ka baxa amar la’aan, mana aha ciidanka kaliya.

“Sababta kaliya ee aan ugu biiray al-Shabaab waxay ahayd lacag darteed,” ayuu yidhi Axmed, oo ah ninka ugu hadalka toosan saddexda nin. “Waxay isiin jireen $200 ilaa $300 bil kasta. Waxaan u qaabilsanaa qeynta qaadiidka ee deegaankeyga.”

Ibraahimna wuxuu farihiisa ku tilmaamayaa lacagta.

“Aniga xitaa lacag darteed ayaan ugu biiray. Waxaan ciidanka dhulka ee al-Shabaab ka tirsanaa saddex sano. Markii aad ma mid tahay waad baashaaleysaa.

“Arrinta aanan al-Shabaab ku jecleysanin waxay ahayd sida ay isugu dayayeen inay maskaxdeyda u baddalaan. Labo isbuuc oo kasta kaddib waxay soo dirayeen koox maskaxda ka baddasha guutadeenna, kuwaas oo dhowr saacadood noo khudbeeya, mar walbana ku celiya aayado quraan ah iyo hadallo ku saabsan sida ay dowladda, ciidamada midowga Afrika iyo taageerayaashooda kale ee caalamiga ahba ay yihiin gaalo iyo gaalo raac.

“Waxay xaaladdu ahayd sidii inay lafta telefoonka ee Al-Shabaab maskaxdeenna galiyeen.”

Saddexda ninba waxay sheegeen in maskaxdoodaba haba la khaldee ay markii dambe garwaaqsadeen in kooxdu aysan u dagaallameynin islaamnimo sax ah, balse ay dano ale ku dhex lifaaqeen. Kuma aysan sii qanacsanaanin inay lacagta kaliya kula joogaan kooxda mintidiinta ah.

Laakiin go’aankii ay uga soo goosteen wuxuu ahaa mid naxdin leh, sida ay ii sheegeen.

Markii hore waxay ka billaabatay baxsasho, kaddibna waxay masaafe dheer dhuumaaleysi uga soo baxayeen dhulka ay al-Shabaab maamusho.

“Markii aan billaabayay, waxaan soo baxay habeen, lugaha ayey qodxo iga mudeen,” ayuu yidhi Axmed. ” Nasiib wanaag waxaan watay telefoonkeyga, sidaas darteed waxaan la xidhiidhay qoyskeyga. Waxay ii heleen qof aan aamini karo, oo meel amni leh igu hagay.”

Laakiin waxaa sidoo kale jirtay cabsi uu ka qabay dhinaca kale, maadaama madaxda al-Shabaab ay ciidankooda u sheegi jireen in qofkii iyaga ka goosta ay ciidanka dowladda ku ciqaabaan koronto.

Taas waxaa kasii darneyd in uusan ogeyn magangalyada ay dowladda u fidisay dadka ka soo baxa kooxdaas iyo inay u diyaarisay xarumo dhaqan celin ah.

Waxaa jira dadaallo ku saabsan in arrintaas loogu faafiyo ciidamada al-Shabaab dhexdooda, si loogu sheego waxa loo diyaariyay dadka ka soo goosta.

Xitaa kuwa aan aqoonin sida wax loo aqriyo waxaa la tusayay sawirro laga qaaday dadka laga badbaadiyay al-shabaab iyo telefoon lambarro ay wici karaan.

Dadaalladan waxay sare u qaadeen tirada dadka soo goosanaya, iyadoo sannadkan billowgiisii ay labo bilood gudahood isku soo dhiibeen in ka badan 60 dagaallame.

Ibraahim, oo saddex sano ka tirsanaa al-Shabaab waxay inuu goosto ku qaadatay labo bilood. Wuxuu sheegay inuusan waligiis ku laaban doonin tuuladiisii, inta noloshiisa ka harsanna uu ku dhex milmi doono caasimadda weyn ee Muqdisho. Haddii kale wuxuu ka baqayaa inuu al-Shabaab gacanta u galo oo ay dilaan.

Dhammaan raggan waxay isugu tageen xarunta dhaqancelinta ee ku taalla magaalada Muqdisho.

Khatarta ay dareemayaan aad bay u weyn tahay, oo markii aan booqanayay waxaan arkay 80 askari oo waardiyeynaya 84 qof oo soo goostay.

Xaruntan ma qaabisho saraakiisha sar sare ee ka soo goosta al-Shabaab, waayo waxaa jirta xarun heer sare ah oo kuwaas la geeyo.

Ka hor inta aan goobtan lagu soo xareynin, waxaa baaritaanno ku sameeya ciidanka sirdoonka iyo amniga, si loo xaqiijiyo inuu daacad ka yahay go’aankooda, fikirka kooxdaasna ay ka tanaasuleen.

Laakiin wariye ku sugan Muqdisho wuxuu ii sheegay in xubno wali ka tirsan al-Shabaab ay u suurtagasho inay xaruntaas ku soo xaroodaan, farriimona uga dhex gudbiyaan kooxda.

Saddexdan nin waxay ku jiraan dadka amnigooda lagu sugo halkaas.

Axmed wuxuu hadda dhaqaale ka helaa dhul uu kala iibiyo.

Ibraahim isaguna wuxuu timo jare ka yahay xarunta dhexdeeda. Hadda wuxuu Muqdisho ku leeyahay timajare ay ka shaqeeyaan saddex ruux.

“Waxaan helaa lacag igu filan inaan ku biilo labo xaas iyo siddeed carruur ah,” ayuu yidhi.

Laakiin nolosha al-Shabaab kaddib inta badan ma sahlana.

Mowliid wuxuu sharraxay sida ay xubno ka tirsan qoyskiisa u diideen ehelnimadiisa, kuwo kalena u aamini waayeen.

Markii uu al-Shabaab ku jiray wuxuu kaxeyn jiray gaari tikniko ah oo uu qori weyn ku xidhan yahay.

“Waxaan wadi jiray gaari hubeysan oo cabdibile ah, kaas oo aan ku magacaabi jirnay ‘Volvo’, markii aan al-Shabaab ka tirsanaa,” ayuu yidhi Mowliid.

“Markii aan imaaday xarunta, dadkii na maamulayay waxay fahmeen inaan leeyahay xirfadda gaari wadidda, waxaa xarunta dhexdeeda ka ahaa macalin gaari wadista bara dadka kale ee soo goostay. Hadda waxaan shaqo wadista baska iskuulka ah. Maalin maalmaha ka mid ah waxaan ku hamminayaa inaan sameysto shirkad ganacsi oo gaadiid.”

 

Gudaha xarunta Dhaqan Celinta, ragga soo goostay waxay ku heystaan fasallo lagu baro aqoon kala duwan, sida luuqadda Ingiriiska, xisaabta iyo maadooyin kale. Qaarkoodna waxaa la baraa farsamada gaadiidka, alxanka, farsamada kumbuyuutarka iyo xirfado kale.

Qolal kale oo waaweyn ayaa qaarkood lagu baraa tolista harqaamada.

Kaddib markii uu dillaacay cudurka safmarka ah ee corona, harqaanleyaasha la tababaray kuwo ka mid ah waxay toleen maaskarooyin cudurka la isaga difaaco. Dharka dumarka noocyadiisa kala duwanna way tolaan.

Muddo kaddib waxaa loo oggolaadaa inay fasax ku baxaan dabayaaqada isbuuca, halka qaarkoodna ay wax ku soo bartaan ama ka soo shaqeeyaan xerada dhaqancelinta bannaankeeda, kaddibna galabtii soo laabtaan.

Waxaa halkaas ku yaalla isbitaal labo sariir leh oo loogu talagalay in lagu daweeyo dadka ka soo goostay al-Shabaab.

Waxaan la kulmay nin si wanaagsan u labisan oo dhalinyaro ah, oo lagu magacaabo Bashiir, kaas oo mar dhow ka baxay xerada kaddib markii uu saddex sano ku sugnaa.

Ma rumeysan kartid in ninka sidan macquulka u ah uu mar ka tirsanaa koox ay ujeedadeeda tahay qalalaase, marka la eego ficilladeeda iyo hadalladeedaba.

“Waxaan ahaa dhowr iyo toban jir markii aay ku biirayay. Waxaan ku fiicnaa seyniska. Al-Shabaab waxay ii sheegeen inaan caawin karo kooxdooda dhakhaatiirta ah. Kuma aanan dhici karin inaan diido, lacagtana waan u baahnaa. Waxay bishii isiinayeen $70,” ayuu yidhi.

Bashiir wuxuu lacagtii $250 ahayd ee uu qaatay markii uu xarunta ka baxayay ku galay Jaamacad, wuxuuna sameystay farmashiye yar.

“Jalaato ayaan sidoo kale ku iibiyaa halkaas,” ayuu yidhi. “Maalin kasta waxaan ka cabsadaa in ay Al-Shabaab i raadsaneyso.”

Arrinta uu ka baqayo waa suuragal. Al-Shabaab waxay si joogto ah dad ugu dishaa Muqdisho; dadka magaalada daganna waxay sheegaan in xubnaha kooxdan ay meel kasta joogaan.

Dadka ay canshuuro ka qaadaan, macaawino ayey bixiyaan, waxayna meelaha qaar ka sameeyaan xukunno.

Inkastoo culeys uu jiro, barnaamijka heerkiisu hooseeyo ee xarunta dhaqan celinta, wuu sii xoogeysanayaa wuuna afnacaa kuwa soo goosta ee halkaas la geeyo.

Kumannaan kale ayaa wali ku jira al-Shabaab, waxayna falal argagixiso ka sameeyaan Soomaaliya iyo meelo kaleba. Kooxdan waxay weerartay hoteello iyo xarumo ganacsi oo ku yaalla bartamaha caasimadda Kenya ee Nairobi.

Waxay fuliyeen qaraxyo loo adeegsaday gawaadhi waaweyn oo laga qarxiyay magaalada Muqdisho, boqollaal qofna lagu dilayay mar.

Ibraahim Mowliid, Axmed iyo Bashiir waxay dhammaantood sameysteen nolol waxayna u muuqdaan inay ka xoroobeen al-Shabaab. Caqabaddu waxay ka taagan tahay sidii dad kale oo badan loogu qancin lahaa inay soo goostaan oo ay gaadhaan xarumaha ay ka mid tahay goobta Dhaqan Celinta ee Muqdisho ku taalla.

 Isha: BBC

Sawir-gacmeedyada waxaa sameeyay Katie Horwich