Dhageeyso: Dood Cilmiyeed ku saabsan Xuquuqda Carruurta

197

Wasaaradda haweenka, arrimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan xuquuqda, kaasoo qeyb ka ah ololaha wasaaraddu waddo ee la doonayo in bulshada lagu wacyigeliyo dhowrista xuquuqda carruurta.

Doodda waxaa daadihinaya Yaxye Ugaas C/risaaq oo katirsan warbaahinta dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana ka qeybgalay;

  1. Agaasimaha Tacliinta sare iyo farsamada gacanta ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland,  Axmed Faarax Cali Aweys
  2. Sahro Ibraahim Mataan oo kamid ah haweenka u ololeeya xuquuqul insaanka
  3. Shurki Badal Cabdi oo kamid ah culumaa’udiinka Kismaayo
  4. Cabdiqaadir Axmed Yare agaasimaha waaxda carruurta iyo xuquuqul insaanka ee wasaaradda haweenka, Arrimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka Jubbaland

Hoos ka dhageeyso Barnaamijka oo dhameystiran.