
Madaxwayne kuxigenka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ahna kusimaha madaxweynaha Jubbaland Mudane Cabdiqadir Xaaji Maxamuud luga-dheere ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaar ka midda xarumaha wasaaradaha Jubbaland sida wasaaradda arimaha gudaha,wasaarada maaliyada,waxaana madaxwayne ku xigeenka labaad uu u kuur galay hanaanka ay u shaqaynayaan wasaaradaha maaliyada iyo arimaha gudaha.
Madaxwayne kuxigeenka labaad Cabdiqaadir Haaji Maxamuud Luga-dheere ayaa sidoo kale tagay taliska qaybta booliska Jubbaland isaga oo halkaas kulan kula qaatay qaar ka mida saraakiisha booliska,sidoo kale madaxwayne kuxigeenka ayaa tagay goobaha biyaha fadhiyaan ee gudaha magaalada Kismaayo,iyadoo halkaas ay ku sugnaayeen booyado biyaha looga dhuraayey meelaha biyaha fadhiyaan.
Markii uu soo dhamaaday Kormeerka Madaxwayne kuxgeenka Jubbaland ayaa waxaa uu warbaahinta kula hadlay Taliska qaybta booliska Jubbaland.